Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. WASIIR BEENEBEEN KULAN LAQAATAY AGAASIMAYAASHA WASAARADDA QORSHEYNTA QARANKA.
 WASIIR BEENEBEEN  KULAN LAQAATAY AGAASIMAYAASHA WASAARADDA QORSHEYNTA QARANKA.
Wararka

WASIIR BEENEBEEN KULAN LAQAATAY AGAASIMAYAASHA WASAARADDA QORSHEYNTA QARANKA.

by Fitaah Diinle December 26, 2022 17 0 Comment

AA

Wasiirka Wasaaradda Qorshenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene) ayaa manta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, isaga oo kula dardaarmay in la sii dardargeliyo howlaha u qorsheysan Wasaaradda.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay Shaqooyinka kala duwan ee Wasaaraddu u hayso Xukuumadda, iyo sidii loo xoojin lahaa isla xisaabtanka. Waxaana kulanka goobjoog ka ahaa K/S Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaha, ahna Agaasimaha Waaxda kormeerka, Qiimeynta iyo Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Maxamed, Agaasimayaasha Waaxaha kala duwan ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Khubarrada Wasaaradda ka howlgala.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay lixda bilood ee lasoo dhaafay hayโ€™adaha dowladda federaalka ay soo bandhigtay Waaxda Kormeerka iyo Qiimeyngta oo ka soo uruurisay Wasaaradaha dowladda, iyada oo la eegayo halbeegyada dhameystirmay oo lagu guuleystay, kuwa wali qabyada ah iyo caqabdaha kala duwan ee keenay in shaqooyinka qaarkood aan wali guuleysan.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay warbxinta deeqaha dalkeenna ugu yimaada deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo dalalka taageero Soomaaliya, sidoo kale waxaa la soo hadal-qaaday habka iyo hannaanka looga faaโ€™iideysan karo fursadahaas, caqabadaha jira iyo xoojinta aqoonta hayโ€™adaha dowladda heerka fulinta.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.