WASIIRADDA WASAARADDAHA GANACSIGA IYO MAALGASHIGA SOMALILAND OO GAARAY DEEGAANO HOOS YIMAADO GOBALKA AWDAL.
Wasiiradda Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Mas’uuliyiin kale oo wehelisa ayaa Kormeer ku saabsan is diiwaangelinta Codbixiyeyaasha waxay ku mareen deegaano ka tirsan Gobolka Awdal.
Mas’uuliyiintani waxaa ka mid ahaa Goobaha ay soo kormeereen Deegaanada Hol-Holka, Cuno-qabad iyo Waraqa Maqorey.
Mas’uuliyiintan ayaa bulshada deegaanadaas ku dhiiri geliyay qaadashada kaadhka iyagoo u kuurgalay habsami u socodka hawsha is diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo gashay wejigeedi labaad waxaa kale oo ay warbixino ka dhagaysteen hawl-wadeenada Komiishanka doorashooyinka qaranka ee Goobihii ay soo mareen.