WASAARADDA ISGAARSIINTA IYO TEKNOLAJIYADA OO LA WAREEGTAY XARUNTA LABAAD EE TALEEFONADA
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay xarunta labaad ee Taleefanada oo ku taalo Degmada Boondheere agagaarka shabeelle, Taalada Xaawo Taako, waxaana munaasabadaha lagu wareejinaayey goob joog ka ahaa Wasiir Jaamac Xasan Khaliif iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaq.
Qaar ka mid ah dadkii gacanta ku haayey xaruntaan ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in ay wareejiyaan dhulkii Wasaaradda.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan in dib loo soo celiyo dhamaan dhulkii ay laheed Wasaaradda.