Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Wasaaradda Deegaanka oo Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya ka Qaybisay Hargaysa iyo Burco Khadar Cabdi Muuse …
 Wasaaradda Deegaanka oo Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya ka Qaybisay Hargaysa iyo Burco Khadar Cabdi Muuse …
Wararka

Wasaaradda Deegaanka oo Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya ka Qaybisay Hargaysa iyo Burco Khadar Cabdi Muuse …

by Raad Raac December 19, 2022 6 0 Comment

AA

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuroyadda Somaliland ayaa shalay Gir-girayaasha Dhuxusha Beekhaamiya u qaybisay qaar ka mid ah dadka Danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa, iyo Burco. Gir-gireyaashani oo ah kuwa dalka gudihiisa lagu sameeyo, ee ay farsameeyaan dadka Tumaaladda ah ayaa 500 oo ka mid ah laga qaybiyay caasimadda Hargaysa, halka 500 oo kalena laga qaybiaya Burco. Qaybinta Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiya ayaa looga dan leeyahay in hoos loogu dhigo isticmaalka Dhuxusha oo ka qayb qaata xaalufka iyo nabaad-guurka deegaanka, iyo in la dhiiri geliyo dadka farsamo-yaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaashaasi. Iyadoona Gir-gireyaashani ay qayb ka yihiin mashruuc ay in muddo ah soo wada fulinayeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP. Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha, sida uu sheegay Caydaruus Ismaaciil Muuse, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, oo hadal ka jeediyay madashii qaybinta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa. “Maanta (shalay), waxaynu halkan u joognaa in aynu qaybino Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya, oo qayb ka ah mashruucii weynaa ee ay wada, wadeen wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda UNDP. Mashruucaasi oo muhiimadiisu ahayd yaraynta Dhuxusha. Mashruuucaasi marxalado badan ayuu soo maray, oo faa’iidooyin badan u leh qaranka, marka loo eego ilaalinta degaanka. Sanadka na waxaa lagu jiraa gebagabadii mashruuca”. Caydaruus Ismaaciil Muuse, agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii ugu waaweynaa ee laga faa’iiday mudadii uu mashruucaasi soo socday. “Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu mashruucu qabtay waxaa ka mid ahaa, in Gaaska cuntadda lagu kariyo, la gaadhsiiyay goboladda bariga Somaliland. Waxaana goboladda Sool, iyo Sanaag, laga qaybyay haamaha Gaaska oo gaadhaya ilaa 800, oo xabadood. In la caawiyay ama la taageeray shirkado yar yar oo soo koraya, oo geedka Garan-waaga u bedelaya Dhuxul. Sidoo kale waxa uu mashruucu caawiyay tan aynu maanta (shalay) u joogno, ee aynu ku qaybinayno in dadka danyarta ah ee ku nool magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, loo qaybiyay kun Gir-girre. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashaasi ay dhimaan isticmaalka Dhuxusha” . Gir-gireyaashani ayaa 500 oo ka mid ah lagu sameeyay gobolka Togdheer, gaar ahaana magaaladda Burco, halka 500 boqol ee kalena lagu sameeyay magaaladda Hargaysa. Waxaana mashruucaasi ka gacan siiyay wasaaradda deegaanka Somaliland haayadda UNDP iyo haayadda Waddaniga ah ee Candle Light. Iyadoona madashii qaybknta Gir-gireyaashaasi ee magaaladda Hargaysa ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka kala socday haayadahaasi. Agaasimaha Haayadda Candlight Cabdirisaaq Bashiir Libaax, oo isna ka halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in la filayaan in Gir-gireyaasha Dhuxusha madhxiyaa ay isticmaalka Dhuxusha hoos u dhigaan 50%. Waxaanu yidhi, “Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya sababta loo sameeyay, iyo faa’iidadoodu waxa weeye, Dhuxusha faraha badan ee ay dadku isticmaalayaan sidii loo yarayn lahaa. Waxaanan rejaynaynaa in Gir-gireyaashani ay hoos u dhigaan 50% Dhuxusha ay qoysasku isticmaalayaan. Waana mashruuc ku tacaluqa sidii deegaanka loo bad-baadin lahaa. Shaqooyin na loogu abuuri lahaa, loona dhiiri gelin lahaa dadka farsamoyaqaanadda ah ee sameeya Gir-gireyaasha Dhuxusha Madhxiya”. Cabdi Abokor, oo ka socday haayadda UNDP oo wasaaradda Deegaanka Somaliland kala shaqaysa arrimaha bad-baadinta deegaanka ayaa sheegay in mudadii uu mashruucani soo socday inuu wax badan ka qabtay daryeelka deegaanka. Waxaanu tilmaamay in hadda lagu jiro qaybtii ugu danbaysay ee mashruuca maadaama ay muddo sanad iyo dheeraad ah soo wadeen.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.