Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Wasaaradda Cadaaladda oo Xarumo Xalliya khilaafyada Bulshada Furtay…
 Wasaaradda Cadaaladda oo Xarumo Xalliya khilaafyada Bulshada Furtay…
Wararka

Wasaaradda Cadaaladda oo Xarumo Xalliya khilaafyada Bulshada Furtay…

by Raad Raac December 17, 2022 13 0 Comment

AA

Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa shaacisay inay xafiisyo lagu xaliyo khilaafyada bulshada oo fuliya adeegyo sharci ka furtay afar gobol iyadoo ka duulaysa dedaalka ay ugu jirto ballaadhinta adeegyadda cadaaladda ee dalka.

 

 

Xarumahan oo ay wasaarada Cadaaladdu ka furtay Magaalooyinka Hargaysa, Burco, Laascaanood iyo Ceeri-gaabo ayaa qaban doona adeegyada sharci ee kala ah xallinta khilaafyadda madaniga ah, la talin sharci iyo gudbinta iyo kaalmaynta dacwadaha ciqaabta ah.

 

Sidoo kale xarumahan ayaa bulshada ka kaalmayn doona sida ay wasaaradda cadaaladdu sheegtay helitaanka adeeg cadaaladeed oo ku habboon dacwadahooda, iyagoo ku xidhi doona laamaha cadaaladda ee ay dacwadahoodu khuseeyaan.

 

Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ayaa intaa raacisay in dhamaan adeegyada ay xarumahaasi bixinayaan ay yihiin kuwo lacag la’aan ah oo wakhti kooban kaga garnaqaya dacwadaha, laguna ilaalinayo xogta dhibbanaha ama dacwoodaha, ku habboon dumarka iyo carruuraha tacadiyadda la kulma isla-markaana isku xidhaya nidaamka cadaaladda dadban iyo mida tooska ah.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 58

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.