Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. WARSAXAAFADEED UU SOO AGAASIMAY XAFIISKA WARFAAFINTA DDS OO KA DHACAY XAFIISKA MADAXWEYNAHA
 WARSAXAAFADEED UU SOO AGAASIMAY XAFIISKA WARFAAFINTA DDS OO KA DHACAY XAFIISKA MADAXWEYNAHA
Wararka

WARSAXAAFADEED UU SOO AGAASIMAY XAFIISKA WARFAAFINTA DDS OO KA DHACAY XAFIISKA MADAXWEYNAHA

by Fitaah Diinle January 9, 2023 70 0 Comment

AA

Warsaxaafadeed uu soo agaasimay Xafiiska Warfaafinta DDS ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee xafiiska Madaxwaynaha DDS

Shirkani ayaa oo loo ga hadlaayay jihooyinkii ka soo baxay shirkii dib umilicsiga iyo hiigsiga mustaqbalka ee hay’adaha kala duwan ee DDS ee isbuuci hore lagu qabtay magaalada Fiiq.

Shirkani oo maanta loo ga hadlay arimaha siyaasada iyo maamulka ayaa waxa faahfaahin warbaahinta ka siiyay Madaxa xafiiska Xisbiga barwaaqo ee Somaalida iyo Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha Dr. Xussein Qaasim.

Ugu horayn Injiner Maxamad shaalle oo warbaahinta xaalada siyaasadeed ee Deegaanka uga warbixiyay ayaa sheegay in nidaamka dawladeed ee maanta DDS ka jira caqabado badan ka soo gudbay, taaso Afar sanno ka hor hogaaminta maanta jirta ay la waregeen deegaan nidaamkiisa dawladnimo iyo kala dambayntuba ay burbursanayd.

Dadaal iyo shaqa badan oo la qabtay kadib waxaa la gu guulaystay ayuu yidhi mudane Injiner Maxamas Shaale nidaam dawli ah oo dhamaystiran taaso na lagu soo dabaalay Amni iyo Siyaasad dagan oo xasiloon.

Waxa uuna intaasi raaciyay in waxbadan laga badalay nidaamkii xisbiga oona laga mid noqday xisbiga Barwaaqo , ayna u hor seeday DDS in la fadhiisto miiska wax qaybsiga ee Dalka.

Mudanaha mar uu jihooyinka siyaasadeed ee madashii Magaalada Fiiq la iskula qaatay ka hadlay ayaa sheegay in nidaamka xisbinimo la adkeeyo isla xisaabtanka xisbiga iyo hogaamintana la xoojiyo si looga midha dhaliyo qorshayaasha iyo yoolalka Dalka iyo Deegankaba.

Waxa uu carabka ku dhuftay ka ismaamul ahaan in ay hogaaminta iyo xukuumadaba ka goantahay adkaynta nidaamka Federalka iyo dhinacna looga soo wada horjeesanaayo xagjirnimada Qabyaalada.

Dhankiisa Wasiirka Madaxtooyada DDS mudane Xussen Qaasim oo isna warsaxaafadeedka kaga warbixiyay jihooyinkii la iskula qaatay madashii magaalada Fiiq DDS ee dhinaca maamulka.

Mudanaha ayaa sheegay in jihooyin cad laga bixiyay adeeg bixinta, maamulka suuban iyo horuwmarinta, iyadoo na la isla gartay in xooga la saaro fidinta adeegyada la siiyo shacabka.

Waxa uuna Dr. Xussen faahfaahiyay dhinaca maamulka suuban ayaa tibaaxay in xafiisyada dawlada lagu dabagalaayo adeega ay muwadiniita siiyaan iyadoo hab casri ah lagu bixin doono adeega.

Godalooloyinka ka jira dhinaca xafiiyada ee ah in muwadiniintu ku dhibantahy Xafiisyada kala duwan dawlada ayaa kaga jawaabay in Alaabka xafiiska qofka jooga ilaa Hogaanka sare loo soo dhaadhiciyay jiho cad oo arimahasi wax lagaga qabanayo taaso hawlwadeena xafiisyada si cad loo la xisaabtami doono.

Isagoo hadalkiisa sii wada waxa uu tilmaamay in dhinaca horowmarinta in xukuumado 4 tii sanne la soo dhaafay ay hirgalisay mashaaricyo mug leh, kuwaa oo wax badan ka badalay aragtida iyo qiyamka guud ee DDS.

Dhinaca ilaalinta hantida mar uu ka hadlaayay Wasiirku waxa uu carabka ku dhuftay in xukuumadu qaaday talaabooyin ay ku dhimayso kharashaadka kala duwan ee ku baxa hawlaha kala duwan taaso keentay in lacago badan la soo celiyay oo horuwmarinta bulshada la galiyay.

Dhinaca shaqaala dawlada oo uu ka hadlay mas’uulku ayaa waxa uu yidhi sicir bararka jira in uu saamayn ku yeeshay shaqaala, si wax looga qabtana dawladu talaabooyin badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsiga ay qaaday.

Dr. Xuseen ayaa hoosta ka xariiqay in si buuxda loo hirgalin doono waxyaabihii la isku la qaatay shirkii magaalada Fiiqeed.

Waxa uuna fariin udiray in ay waxba ka jirin hadalada suuqa yaala ee ku sabsan in shaqaale badan la dhimi doono, taaso ah ku tidhikuteen.

War saxaafadeedka kadib Wasiirka Warfaafinta DDS mudane Cabdiqaadir Rashiid ayaa sheegay in xafiisku jadwal u sameeyay Masuuliyiinta kala duwan ee xafiisyada Dawlada taaso la rabo mar walba in shacabka loo ga war bixiyo xaalada iyo hawlaha dawlada.

Ugu dambayntii Mudane Cabdiqaadir ayaa tilmaamay maalmaha soo socdana in shacabka faahfaahin laga siin doono arimaha Dhaqaalaha iyo Amniga.

 

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 32

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.