Warkii La Sugayay Oo Kasoo Kordhay Mustaqbalka N’Golo Kante & Barcelona Oo Xog Heshay….
Waxa xog cusub oo weyn laga helayaa mustaqbalka khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee N’Golo Kante oo ay si weyn u xiisaynaysa kooxda Barcelona.
Kante oo wakhtigiisa Chelsea ee xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay ay dhaawacyo koobeen ayaa la filayay inuu ka hayaamo kooxdaas marka heshiiska uu ku joogaa xagaaga dambe dhaco.
Si kastaba, saxafiga xog ogaalka ah ee David Orsntien ayaa haatan shaaca ka qaaday in Chelsea ay horumar weyn ka samaysay wadahadalka heshiis kordhinta Kante haatana uu xiddiga French-ka ahi doorbidayo inuu heshiiskiisa Stamford Bridge kordhiyo. Blues ayaa Kante u bandhigay heshiis laba sano ah oo sanadka saddexaadna dookh yahay, dhinaca kale iyadoo Barcelona xaalad dhaqaale oo xun ku jirta ayaysan awoodin mushaharka ciyaartoy haatan toddobaadkii 300,000 oo kun qaata. Walow aan la filayn in Kante mustaqbalkiisa meel ku sheego ilaa inta uu dhaawaca kasoo kabanayo bisha January haddana Barcelona ayaa u muuqata mid ciyaartoy muhiim ah weyday.