Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?
WARBIXINTA QIIMEYNTA LIXDII BILOOD EE LA SOO DHAAFAY IYO MID SHAQSI SHAQSI AH OO LAGA SAMEEYAY MAGAALADDA DHAGAX BUUR
Maamulka Magaalada Dhagaxbuur waxaa lagu soo gabo’gabeeyay qiimeyntii warbixinta waxqabadka lixda bilood ee sannad-miisaaniyeedka 2015-ka t.i iyo middii shaqsi-shaqsiga ahayd.
Gabo’gabada qiimeyntaasi ayaa waxaa qeyb ka ahaa oo abaalmarinno kala duwan la siiyay saddexdii xafiis ee dhanka qiimeynta waxqabadka iyo xagga qiimeynta shaqsi-shaqsiga ugu horreeyay oo abaalmarinadaasi ku mutaystay ka go’naanshaha masuuliyadeed iyo kasoobixidda waajibaadkii shaqada ee bulshada ay u hayeen.
Waxa ayna xubnaha xafiisyadaasi ee abaalmarinta la guddoonsiiyey ay sheegeen in ay halkaasi kasii wadi doonaan shaqooyinka bulshada ay u hayaan oo ay sii laba jibbaari doonaan dadaalkooda.