GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA IYO WARGEEYSYADA WAXYAABAHA SUUQA KALA IIBSIGA KA QOREEN
Jude Bellingham ayaa la filayaa inuu diido heshiis cusub oo uu ka helo kooxdiisa Borussia Dortmund xilli Man City aaminsan tahay inay saxeexiisa hoggaaminayso. (Star)
Chelsea ayaa la filayaa inay ku dhawaad 65 Milyan oo pound ka gudbiso Moises Caicedo taas oo ku sababi karta Brighton inay ka iibiso (Mirror)
Chelsea ayaa sidoo kale diyaar u ah inay Hakim Ziyech Barcelona kaga soo bedelato khadka dhexe ee Franck Kessie. (Sport – in Spanish)
Manchester United goolhayaheeda David de Gea ayaa diyaar u ah inuu mushahar dhimis sameeyo si uu heshiis cusub u saxeexo. (Sun)
Arsenal ayaa toddobaadkan wadahadalo dheeri ah la yeelan doonta wakiilka daafaca midig ee Real Valladolid ee Ivan Fresneda. (Mail)
Manchester United ayaa doonaysa inay 18 sano jirkeeda Alejandro Garnacho ka saxeexato heshiis siddeed sano ah balse shaqsiyaadka ku dhaw dhaw da’yarkaas ayaan doonayn inuu saxeexo qandaraas ka badan afar sano. (Mirror)
Manchester United ayaa loo bandhigay saxeexa weeraryahanka Juventus ee Dusan Vlahovic halka Arsenal, Chelsea, Paris St-Germain iyo Bayern Munich sidoo kale loo sheegay in xiddiga ree Serbia la heli karo. (90min)
West Ham ayaa dalab ay ka gudbisay garabka Roma ee Nicolo Zaniolo laga soo diiday xilli ay saxeexiisa wali wadahadalo kaga jirto Tottenham. (Calciomercato – in Italian)
Roma ayaa u dhaqaaqi doonta garabka Udinese ee Gerard Deulofeu marka ay iibiso Zaniolo. (Calciomercato – in Italian)
Everton ayaa isku dayaysa inay 15 Milyan oo pound ku hesho weeraryahanka Sheffield United ee Iliman Ndiaye. (Sun)
Tababarihii hore ee xulka Spain ee Luis Enrique ayaa kamida dookhyada uu xidhiidhka kubadda cagta Brazil kaa fikirayo inuu xulka dalkaas u dhiibo. (UOL Esporte – in Portuguese)
Real Madrid tababaraheeda Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Eduardo Camavinga oo Arsenal lala xidhiidhinayay uu kooxdiisa lama taabtaan ka yahay. (Mail)
Manchester City ayaa wadahadalo heshiis kordhin kula jirta Ilkay Gundogan oo Barcelona lala xidhiidhinayo. (Athletic – subscription required)
Manchester United iyo Tottenham ayaa labaduba isha ku haya khadka dhexe ee kooxda Rennes ee Lovro Majer. (Jeunes Footeux – in French)
Adama Traore oo heshiiskiisa Wolves xagaaga dhacayo ayaa wadahadalo kula jira kooxaha Talyaaniga ah ee Atalanta iyo Napoli. (90min)