Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Waraabe cunay carruur & Ciroole oo laga baadi-goobayo Itoobiya.
 Waraabe cunay carruur & Ciroole oo laga baadi-goobayo Itoobiya.
Hyenas photographed under stars at night with BeetleCam. Liuwa Plain National Park, Zambia.
Wararka

Waraabe cunay carruur & Ciroole oo laga baadi-goobayo Itoobiya.

by Maxamed Ajiib December 27, 2022 5 0 Comment

AA

Duleedka Magaalada Addis Ababa waxaa laga baadi-goobayaa Waraabe Dad cun noqday kaddib markii uu nafta dhaafiyay 8 qof oo Carruur & Da’ ah sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka qaabilsan Duur-joogta.

Waraabahaan oo baxsad ah ayaa la daba-dhigay Dad u tababaran in ay ku keenaan raq ama ruux middii uu noqda howlgalkooda khatarta ka dhalan karta sida uu xaqiijiyay sarkaal katirsan xubnaha loo xilsaaray howlgalkaan.

Xogta weerarka uu geystay waraabaha ayaa soo baxday billaawgii December 2022 kaddib markii la arkay Dad dhintay oo qayb kamid ah jirkooda la waayay, baaris lagu sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in uu Waraabe cunay.

Hal deegaan oo keliya ayaa lagu ogaaday dhowr qof oo isku qaab u dhintay jirkooda u maqan, taasi waxa ay dhalisay baraarug xooggan iyo dabagal loo xilsaaray dadka ku takhasusay raad-raaca duur-joogta.

Deegaanka Leege Taafo oo 17 KM u jira Magaalada Addis Ababa ayuu Waraabahaan ku dilay wiil ku sugnaa goob dhismo ka socday, xogtiisa oo la dhayalsaday ayaa fududeysay in dhowr ruux oo kale uu Waraabahaas nafta dhaafiyo.

Dagaallada ka dhacay Waqooyiga Itoobiya ee sababay in dadka qaar maydkooda la qaadi waayay ayaa loo arkaa in ay sababtay in duur-joogta ay bartaan cunista Hilibka Dadka, Khubarada duur-joogta sida dhaw ula socda ayaa soo jeediyay in baaris dhammeystiran la sameeyo.

Share This:

Previous post
Next post

Maxamed Ajiib (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.