Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. WAR-MURTIYEED QABSOOMIDDA SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA KGS…
 WAR-MURTIYEED QABSOOMIDDA SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA KGS…
Wararka

WAR-MURTIYEED QABSOOMIDDA SHIRKA DIB-U-HESHIISIINTA KGS…

by Raad Raac December 17, 2022 22 0 Comment

AA

Wada-tashiyadii shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.ne Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan ka socdey magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo ayaa lasoo gaba-gabeeyey.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saarey baaq shir dib-u-heshiisiin ah 19-kii bisha Nofeembar 2022-ka, markii uu arkey xaaladaha adag uu maraayo dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed wuxuu soo jeediyay in la qabto shir dib u heshiisiin ah luguna qabto magaalada Baydhabo. Sidoo kale waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda KGS.

12-ka bisha Diseembar wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano Dowladda Federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ay uga bilaabaan geediga wada-tashiga shirka dib-u-heshiisiinta ah.

Ugu horeyn Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey la kulmeen maamulka heer gobol iyo heer degmo, odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada qeybahooda kala duwan, waxay aad u soo dhoweeyeen dadaalada Gudoomiyaha uu ugu jiro qabashada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta ah oo ka dhici doona magaalada Baydhabo.

14-kii bisha Diseembar Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey soo gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee DGKS oo ah halka loogu madlan yahay in lugu qabto shirka dib-u-sheesiinta.

Ugu horeyn Gudoomiyaha iyo wafdigiisa waxey lakulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen asigoo soo dhoweeyey dadaalada dib u heshiisiinta ah uu wado Gudoomyaha Golaha Shacabka.

Inta uu ku sugnaa Gudoomiyuhu magaalada Baydhabo wuxuu la kulmay odayaasha dhaqanka, qeybaha kala duwan ee ururada bulshada iyo laamaha amaanka qeybahooda kala duwan. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay qabashada shirweynaha dib u heshiisiinta waxey na ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loo qabto shirka.

Gunaanadkii kulamadii uu la yeeshey gudoomiyaha Golaha Shacabka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada waxey isla qaateen: –

1- In dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaaโ€™udiinka, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka si dhab ah ugu istaagaan dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada qalabka sida.

2- In la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hayโ€™adaha dowladda ee labada heer (fedaraal iyo dowlad goboleed) si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u ah dawladnimada si looga xoreeyo dalka kooxaha Khawaarijta.

3- In laga wada-shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed oo ku qotanta kalsooni, midnimo, sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

4- In sida ugu dhakhsiyaha badan Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu u soo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

5- Furitaanka shirka waxaa loo asteeyey 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

6- Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa ka mahad celinayaa soo dhoweyntii diiraneyd ay u sameeyeen madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Wabilaahi Towfiiq.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 19

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.