WAFDI KA SOCDA SHIRKADA HAMBRUG PORT OO BOOQDAY XAFIISKA WASAARADDA HORUMARINTA SOMALILAND
Weftiga ka socda shirkadda Hamburg Port Company ayaa ka kooban Madaxa qaybta Africa Mr. Lars Greiner iyo Madaxa qaybta Iibka ee shirkadaas Mrs. Christine Prieser.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Maxamad Cismaan wuxuu weftigaas warbixino ka siiyay Horumarka balaadhan ee ka socda Dekadda iyo Free Zone ka Berbera iyo samaynta Aagaga warshadaha gaara ahaan Hargeisa Industrial Zone oo diyaar ah iyo sida ay Somaliland markasta u soo dhawaynayso Maalgalin dhinaca Horumarinta Dekaddaha ah.
Shirkadda Hamburg Port Company ayaa ah Shirkad dawladeed oo maalgelin ku samaysay in ka badan 140 dekadood iyo Airport oo oo ku kala yaala dalal kala duwan oo caalamka ah