WAFDI KA SOCDA DOWLAD DEEGAANKA OO TABABAR U JOOGO DALKA FINLAND
Wafdigii Deegaanka Soomaalida ee khibrad-wadaaga iyo aqoon-korodhsiga u joogay magaalada Turku ee waddanka Finland, ayaa waxay maanta booqasho iyo tababar ku qaateen xarunta lagu sifeeyo biyaha wasakhda ah iyo qeybta lagu maamulo qashinka qoyan iyo kan qalallan ee magaaladaas.
Tababarka maanta ayaa xoogga lagu saaray nadiifinta biyaha wasakhda ah iyo maamulka noocyada qashinka qoyan iyo midka qalallan.