GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
WAFDI KA SOCDA DFS OO SHIR UGU QEEYB GALAY MAGAALADDA KIGALI
Guddoomiyaha guddiga Adeega Bulshada Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi iyo Guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Kheyraadka Badda Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa maanta magalada Kigali ee dalka Rwanda uga qeyb-galay Shirweynaha 4aad Golaha guud ee Isbaheysiga Baarlamaannada Barriga Afrika ee sugnaanta cuntada iyo nafaqaeynta.
Shirkan oo socon doono mudo Sadex-maalmood ah ayaa diirrada lagu doonaa Nafaqada iyo sugnaanta cuntada Barriga Afrika, Golaha Isbaheysiga Baarlamaannada Bariga Afrika 5-tii sano ee la soo dhaafay waxaa Guddoomiye ka ahaa Xildhibaan Dr. Cabdi Cali Xasan oo mid ahaa Baarlamaankii 10aad ee JFS. Isagoo hoggaamintiisu ay ku egtahay kulanka xiga ee socda waxaana uu ku wareejin doona Xildhibaannada cusub ee loo soo magacaabay Golahan.