WAFDI HEER SARE AH OO KA SOCDAY SLN OO SOO MARAY DAGMOOYIN IYO DEEGAANO KA TIRSAN DHULWEEYNAHA SOMALILAND.
Wafti heerkiisu sareeyo oo hogaaminayay Wasiirka Wasaardda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Saeed Sulub waxaana xubno ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyara iyo Ciyaaraha, Xildhibaan Dayib Xasan, oo ka tirsan Golaha Guurtida JSL, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Togdheer Muhumed Xoday, Maareeye kuxigeenka Wakaaladda Biyaha Burco, Isuduwaha Hawlaha Guud ee Gobolka Togdheer, isuduwaha Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Gobolka Togdheer, Cuqaal, Odayaal, Dhallinyaro iyo waxgarad kale oo mudan.
Safarkii wacyigalinta ahaa ee dardar-galinta Diiwaangalinta Doorashooyinka iyo kormeerka ahaa ee degaanada hawdka Gobolka Togdheer Gaar ahaan Degmooyinka iyo Magaalooyinka ay kamidka yihiin;
(CADW-YUURURA, CALISAAHID, DEGMADA MASALLAHA GOROD, HARADA GUBATAXIL, GORAYOXUNTA HOOSE, GORAYA XUNTA SARE, DEGMADA DURRUQSI, YUCU-YABOOH, DEGMADA RIYO-XIDHO, RIYO-XIDHO, CALI-CIISE, BILCILLE, iyo DEGMADA WARAABEEYE).
Waxaa socdaalkani daaranaa sidii bulshada loogu wacyigelin lahaa qaadasha kaadhka codaynta iyo diiwangelinta gobolka ka bilaabtay.