Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Waa Maxay Sababta Roberto Firmino Looga Saaray Liiska Ciyaartoyda Liverpool?
 Waa Maxay Sababta Roberto Firmino Looga Saaray Liiska Ciyaartoyda Liverpool?
Cayaaraha

Waa Maxay Sababta Roberto Firmino Looga Saaray Liiska Ciyaartoyda Liverpool?

by Raad Raac December 23, 2022 920 0 Comment

AA

Weeraryahanka Brazil ee mustaqbalkiisa shakigu ku jiro ee Roberto Firmino ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Liverpool ee safarka ugu tegay Manchester City, kulanka Carabao Cup ee Emirates Stadium.

Firmino oo kusoo bilowday labadii ciyaarood ee saaxiibtinimo ee Dubai ee Lyon iyo AC Milan ayaa la filayay inuu ciyaaro kulanka Man City, hase yeeshee Jurgen Klopp ayaa ka saaray liiskiisa iyadoo weerarka uu ka ciyaarsiiyey Darwin Nunez, Mohamed Salah iyo Fabio Carvalho. Reds oo ay sidoo kale dhaawac kaga maqan yihiin Luis Diaz iyo Diogo Jota ayaan qayb ka noqon ciyaarta Carabao Cup ee Man City, sababtuna waa in uu tababarkii ugu dambeeyey kasoo gaadhay dhaawac sababay in laga saaro liiska kooxdiisa.

Khatar badan ma aha sida la sheegay dhaawaciisu, hse yeeshee waxa lagu samayn doonaa baadhitaano iyadoo laga qaadi doono sawirro. ย  Xiddiga Brazil ayaa la sheegay in uu taam u noqon doono ciyaarta Leicester City ee December 30, balse uu ka maqnaan doono ciyaarta Aston Villa ee Boxing Day. Haddii uu laban ciyaarood taam u noqon waayo, waxa uu Firmino qayb ka noqon doonaa safarka ay kooxdiisu ugu geyi doonto Brentford January 2.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 40

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.