Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Waa la Tartanaya Bulshada Saraar waxaan Leeyay Isdiiwaan geliya…
 Waa la Tartanaya Bulshada Saraar waxaan Leeyay Isdiiwaan geliya…
Wararka

Waa la Tartanaya Bulshada Saraar waxaan Leeyay Isdiiwaan geliya…

by Raad Raac December 29, 2022 6 0 Comment

AA

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caynaba Cumar Maxamuud Muuse, ayaa farriin u diray guud ahaan bulshada gobolka Saraar kuna boorriyay in ay si wayn isu diiwaan geliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixiyaha doorashooyinka.

Waxaanu intaa ku daray in la tartamayo oo loo baahan yahay in la is muujiyo oo qofkasta oo gaadhay da’da codbixinta oo aan haysan kaadhka codaynta oo ku nool gobolka Saraar in uu is diiwaan geliyo.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.

Ugu horrayn Xoghaye Cumar oo ka hadlayay siday ugu diyaar garoobeen diiwaan gelinta codbixiya ee maanta dalka ka bilaabmaysa waxaa uu yidhi. “Horta gobolku waa xoolo dhaqato oo dadkiina hayaan ayuuu ku kala maqan yahay laakiin waxaan awooda saarnay in bulshada gobolka Saraar aanu wacyi gelino oo aanu ku boorino in ay is diiwaan geliyaan.

Waxaanay tahay diiwaan gelinta codbixiyuhu fursad la isku muujinayo oo soo saaraysa bulshada deegaan ka ku dhaqan inta ka coday karta.

Gobol ahaan haddaanu Saraar nahay dadkayagii oo kala maqan ayay ku soo beegantay.laakiin waan dedaalaynaa.”

Xoghaye Cumar waxaa uu fariin u diray bulshada Saraar,waxaanu yidhi.”waa la tartamaya inagoo hayaan ku kala maqan waa in aan is muujinaa oo aan la tartanaa degaamada kale ee dalka ee aan hayaamin,waxaanan usoo jeedinayaa qof kasta oo bulshada gobolka Saraar ah oo gaadhay da’da codbixinta kaadhka codaynta aan haysan in uu is diiwaag geliyo oo qaato kaadhka codaynta qof kasta oo uu ka lumayna ha is diiwaan geliyo oo ha qaato kaadhka codaynta waa fursad aynu isku muujin karno ee yaan la dayicin.”ayuu yidhi Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Caynaba Cumar Maxamuud Muuse.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.