Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Waa Kuma Ninka Ugu Taajirsan Adduunka Ee Hadda Booska Ka Qaatay Elon Musk..?
 Waa Kuma Ninka Ugu Taajirsan Adduunka Ee Hadda Booska Ka Qaatay Elon Musk..?
Wararka

Waa Kuma Ninka Ugu Taajirsan Adduunka Ee Hadda Booska Ka Qaatay Elon Musk..?

by Raad Raac December 16, 2022 8 0 Comment

AA

Elon Musk ayaa lagala wareegay booska ugu sarreeya ee liiska dadka ugu hantida badan caalamka ka dib markii uu sannadkan hoos u dhac weyn ka sameeyay saamiga uu ku leeyahay shirkadda soo saarta gawaadhida korontada ku shaqeeya ee Tesla.

Sida lagu muujiyay xogta Majalladaha ka faallooda dhaqaalaha ee Forbes iyo Bloomberg labadaba, Mr Musk waxaa booska ka qaatay nin kale oo lagu magacaabo ernard Arnault, oo ah madaxa shirkadda hantida qaaliga ah iibisa ee LVMH.

Elon Musk qudhiisu waa madaxa shirkadda Tesla ahna qofka saamiga ugu weyn ku leh dhaqaalaha shirkaddaas. Waxaa lasoo tebiyay in saamigiisu uu yahay qiyaastii 14%.

Bishii October ayuu dhammeystiray heshiis uu kula wareegay shirkadda Baraha Bulshada ee Twitter, taas oo u uku iibsaday lacag dhan $44 bilyan oo doolar.

Sida ay shaacisay Majalladda Forbes, Mr Musk waxa uu hadda heystaa lacag dhan qiyaastii $178bn (oo u dhiganta ยฃ152bn).

Dhanka kale, ninka hadda noqday qofka ugu hantida badan caalamka, Bernard Arnault ayaa hantidiisa lagu qiimeeyay $188 bilyan oo doollar.

Waa kuma Bernard Arnault?

Waa ganacsade maal qabeen ah oo u dhashay dalka Faransiiska. Marka laga sootago shirkaddiisa, waxa uu sidoo kale aruuriyaa farshaxannada qiimaha badan.

Waxa uu dhashay 5-tii bishii March ee sanadkii 1949, haddana daโ€™diisu waa 73 sano.

Hantidiisa oo bishii March, 2020 ahayd $76 bilyan oo doolar ayaa kor ugu dhacday $110 milyan oo dheeraad ah muddo 14 bilood gudahood ah. Baahida loo qabo hantida ay shirkaddiisu iibiso ayaa aad sare ugu kacday intii uu socday cudurka Covid-19.

Heshiiska uu Mr Musk ku iibsaday shirkadda Twitter ayaa la dhammeystiray ka dib dhowr bilood oo uu socday dagaal dhinaca sharciga ah. Dadka u kuur gala arrimaha dhaqaalaha qaarkood ayaa aaminsan in sababta uu uga baxay booska ugu sarreeya ee liiska ay tahay la waregista Twitter oo hoos u dhigtay saamiyadii uu ku lahaa Tesla.

Ka dib markii uu saami ku yeeshay Twitter billowgii sannadkan, Mr Musk ayaa bishii April ku yaboohay in uu shirkadda kula wareego 44 bilyan oo doolar, inkastoo dadka qaar ay qiimahaas ku tilmaamayeen mid aad u sarreeya.

Bishii July ayuu ka baxay heshiiska, isagoo sheegay in uu ka walaacay tirada cinwaannada been abuurka ah ee ku sameysan Twitter-ka.

Ugu dambeyntii masโ€™uuliyiinta Twitter ayaa tallaabo sharci ah u qaaday si ay Mr Musk ugu khasbaan fulinta heshiiskii uu ballan qaaday.

Dan Ives oo ka tirsan shirkadda maalgashiga ee Wedbush Securities ayaa sheegay in “murankaโ€ ku gedaannaa heshiiska Twitter ay sababtay hoos u dhaca qiimaha ay ku fadhiyeen saamiyada Tesla.

Mr Musk ayaa balaayiin doolar ku iibiyay saamiyo qeyb ka ahaa shirkadda Tesla si uu ula kaashado la wareegista Twitter-ka, taasoo horseedday in saamiyada ay qiimo ahaan hoos u dhacaan.

Maalgashadeyaasha ayaa sidoo kale ka werwersanaa in ay yaraatay baahida loo qabo gawaadhida korontada ku shaqeeya ee shirkadda Tesla, maadaama ay sii daciifeyso.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.