Rasomit Rasomit
  • Wararka
  • Cayaaraha
  • Caafimaadka
  • Warbixinada

Breaking News

Turkiga Oo U Yeedhay Danjiraha Denmark, Ka Dib Markii Denmark Lagu Gubay Kitaabka Quraanka Ah…

Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah Shacabka…

Shirkii Lasugayay Ee Beesha Dhulbahante Oo Saaka Ka Furmaya Laascaanood…

Soomaaliya Maxay Ka Faa’iideysaa Heerka Cusub Ee La Gaadhsiiyey Hawadeeda?

Ethiopia Iyo Sudan Oo Ka Heshiiyey Murankii Biyo Xidheenka Wabiga Nile

  1. Home
  2. Cayaaraha
  3. Villarreal v Real Madrid…
 Villarreal v Real Madrid…
Cayaaraha

Villarreal v Real Madrid…

by Raad Raac January 7, 2023 4 0 Comment

AA

Real Madrid ayaa isku dayi doonta inay ugu yaraan si kumeel-gaadh ah usii qabato hoggaanka horyaalka La Liga kulanka ay caawa fiidka booqanayso dhigeeda Villarreal.

Madrid ayay haatan dhibcaha wadaagaan Barcelona oo farqiga goolasha kaga haysa hoggaanka horyaalka, kulanka caawa ayay kahor tagi doonaan macalinkii hore ee Barca ee Quique Setien oo Villarreal hoggaaminaya.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababare Setien ayaan wax dhaawacyo cusub ah ku qabin kooxdiisa Villarreal balse waxa wali dhaawac ku maqnaan doona Giovani Lo Celso.   Sidoo kale Francis Coquelin ayay macquul tahay inuu jug ku seego ciyaartan, Villarreal ayaa lagu wadaa inuu Pepe Reina ugu soo bilawdo goolka maadaama Rulli oo shabaq ilaaliyahooda dookha koowaad ahaa Ajax shalay si rasmi ah ugu biiray.

Dhinaca Real Madrid waxa maqnaan doona daafaca midig ee Dani Carvajal oo raaxo la’aan jidheed dareemaya, marka Carvajal laga yimaado xiddiga kale ee seegaya kulankan ayaa ah Mariano Diaz.

Lucas Vazquez ayaa la filayaa inuu daafaca midig ka bedelo Carvajal halka Toni Kroos iyo Luka Modric ay khadka dhexe kula soo bilaaban karaan Aurelien Tchouameni.

Fede Valverde ayaa laga yaabaa inuu garabka midig ee weerarka kusoo bilawdo isagoo weerarka kala dheelaya Benzema iyo Vini Jr.

Shaxaha Macquulka Ah.Villarreal (4-2-3-1): Reina; Femenia, Foyth, Pau Torres, Moreno; Capoue, Parejo; Chukwueze, Baena, Pino; Danjuma

Real Madrid  (4-3-3): Courtois; Vazquez, Militao, Alaba, Mendy; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Benzema, Vinicius

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Cesar Soto

Garoonka: Estadio de la Ceramica

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

Turkiga Oo U Yeedhay Danjiraha Denmark, Ka

by Raad Raac January 28, 2023 0

Wasaaradda arrimaha debedda ee dalka Turkiga ayaa u yeedhan danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya,

Wararka

Somaliland Oo Shaacisay Arrin Halis Ku Ah

by Raad Raac January 28, 2023 0

Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa shaacisay arrin halis ku ah shacabka Somaliland oo daawooyinka la

Wararka

Shirkii Lasugayay Ee Beesha Dhulbahante Oo Saaka

by Raad Raac January 28, 2023 6

Shirka Isimada Dhaqanka iyo guddiyo kale oo weheliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Laascaanood

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.