Rasomit Rasomit

Breaking News

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗲𝗸𝗲𝗱𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗰𝗮d

  1. Home
  2. Wararka
  3. Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Hanjabay Shirkadda Twitter Cuna Qabateyn…
 Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Hanjabay Shirkadda Twitter Cuna Qabateyn…
Wararka

Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Hanjabay Shirkadda Twitter Cuna Qabateyn…

by Raad Raac December 16, 2022 9 0 Comment

AA

Midowga Yurub ayaa ugu hanjabay milkiilaha Twitter-ka Elon Musk in lagu soo rogi doono cuna qabateyn, kadib markii dhowr wariye oo ka hadlay arrimaha shirkadda si lama filaan ah loogga xiray akoonadooda.

Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xiray akoonnada.

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jourova, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah ee Midowga Yurub, uu lagama maarmaan ka dhigayo “ixtiraamka xorriyadda saxaafadda

Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Jarmalka, ayaa sidoo kale uga digay shirkadda Twitter-ka in  Xorriyada saxafada aan laga gorgor tami karin

Guddoomiye Jourova, ayaa sheegtay in warka ku saabsan xirista akoonadaa suxufiyiinta ee Twitter uu yahay “arrin walwalkeeda leh

Xeerka Adeegyada Dijitalka ah ee Midowga Yurub wuxuu damaanad qaadayaa xorriyadda warbaahinta, iyo xuquuqaha aasaasiga ah. Tan waxaa lagu xoojiyay Xeerka Xoriyadda Warbaahinta   ayay tiri.

Elon Musk waa inuu ka warqabaa taas. Waxaa jira khadadka cas oo aan la dhaafi Karin, iyo cunaqabatayn haddaanay wax is badalin

Musk ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray in akoonnada la xiray ay ku hawlanaayeen wax aan wanaag saneyn – taasoo uu ku qeexayo sii deynta macluumaadka gaarka ah ee internetka ee ku saabsan shakhsiyaadka.

“Sharciyo la mid ah doxxing ayaa khuseeya ‘saxafiyiinta’ sida qof kasta oo kale,” ayuu ku soo qoray Twitter.

Afhayeen u hadashay Twitter-ka ayaa mar sii horreysay u sheegtay mareegaha teknoolojiyadda ee The Verge, in mamnuuciddu ay la xiriirto wadaagga tooska ah ee xogta goobta.

Musk ayaa kula wareegay maamulka Twitter bishii October heshiis ku kacay $44bn ($36bn).

Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times, ayaa akoon xirista ku tilmaamay mid calaamatul su’aal dul saarey shirkadd Twitter-ka, iyo arrin nasiib darro ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii Musk uu wacad ku maray inuu dacweyn doono ruuxa daba socda oo daba gala diyaaradiisa gaarka ah.

Waxa uu sheegay in   ruuxa ku waalan daba galistiisa. uu isticmaalay goob wadaag toos ah, si uu u helo oo uu u dejiyo baabuur ay caruurtiisa isticmaalayeen, oo markaa kusugnaa magaalada Los Angeles.

Arbacadii, Twitter ayaa xayiray akoontiga @ElonJet, iyo sidoo kale akoontiga gaarka ah ee mulkiilaha Jack Sweeney, oo 20 jir ah.

Musk ayaa tan iyo markaas wacad ku maray in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono, iyo sidoo kale “ururada taageeray waxyeellada qoyskiisa

Twitter-ku ayaa wuxuu ka xannibaa isticmaalayaasha inay la wadaagaan xiriirada dadka uu ka dhaxeeyo xafiiltanka.

Faylasha Twitter-ka ayaa dhaliyay dood ku saabsan ‘liiska madow’. Elon Musk hadda ma ahan ninka ugu taajirsan adduunka

Cunaqabataynta Midowga Yurub , ayaawaxaa lagu dabaqi karaa sharciga cusub ee Adeegyada Dijital ah, kaasoo hadda maraya Baarlamaanka Midowga Yurub, laakiin wuxuu dhaqan geli karaa sanadka soo socda.

Sida ku cad shuruudaha sharciga cusub ee la soo jeediyay, guddiga Midowga Yurub, ayaa loo ogolaan doonaa inay kusoo rogaan ganaax dhan 6% ganacsiga caalamiga ah, ee shirkad ay u aragto inay jabisay xeerarkeeda.

Xaaladaha ba’an, Midowga Yurub, ayaa wuxuu weydiisan karaa maxkamad inay joojiso adeegga wax la isku daba mariyo, laakiin waa haddii ay ” diidaan inay u hoggaansamaan waajibaadka muhiimka ah, oo ay khatar geliyaan nolosha iyo badbaadada dadka

Xafiiska arrimaha dibadda ee Jarmalka, ayaa fariin digniin ah u diray baraha bulshada, iyagoo qoray: “Xorriyadda saxaafadda lama hor istaagi karo oo laguma caburin karo xamaasad

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 14

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 28

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.