URUR SIYAASADEEDKA KAAH OO KULAN WACYI-GELIN AH U SAMEEYAY DADKA KU NOOL DAGMADDA BOOSAASO.
Sawiro: Ururka Siyaasadeedka kaah oo Munaasabad wacyi-gelinta diiwaan-gelinta Codbixiyaasha Degmada Bosaaso u qabtay qaybaha kala duwan ee bulshada Bosaaso.
Waxaana Munaasabadda kaso qaybgalay Xubno sare oo ka tirsan ururka kaah Maamulka Gobolka Bari kan Degmada Bosaaso, Nabadoono odayaal waxgarad dhalinyaro haween.
Xubnaha kala duwan ee ururka kaah ayaana bulshada Bosaaso ku wacyi-galiyay isdiiwaan galinta kaarka Cod bixinta Si ay noqdaan kuwo codeeya iyo muhiimada ay leedahay codeyntu iyo Baraarujinta Dardargalinta Diwaangalinta Doorashada dimuqraadiyadda ah ee Golayaasha deegaanka degmooyinka Puntland ee qof iyo cod.