Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Ukraine oo ku baaqday Shirweyne Nabadeed iyo inay Raashiya wajahdo Maxkamad Caalami
 Ukraine oo ku baaqday Shirweyne Nabadeed iyo inay Raashiya wajahdo Maxkamad Caalami
Wararka

Ukraine oo ku baaqday Shirweyne Nabadeed iyo inay Raashiya wajahdo Maxkamad Caalami

by Maxamed Ajiib December 27, 2022 6 0 Comment

AA

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ukraine,ย  Dmitry Kuleba ayaa soo bandhigay Codsiga ku aadan in Shirweynahaasi la qabto dhamaadka bisha February ee sanadka soo socda, oo ku beegan Sanad-guuradii 1-aad duullaankii Raashiya ee dalkaasi.

Wareysi uu Dmitry Kuleba shalay siiyey Wakaallada Wararka Maraykanka ee AP waxa uu ku baaqay inuu Xoghayaha Guud ee QM,ย  Antonio Guterres dhexdhexaadiyeย  ka noqdo Shirka Nabadda ee Colaada Ukraine.

Waxa uu intaasi ku daray inuu isagu xaqiiqsaday inuu Guterres yahay Dhexdhexaadiye Hufan, Daacad ah, soona dhaweynayo inuu ka soo qeyb galo Shirka Nabadda ee Ukraine.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ukraine waxa uu soo bandhigay Shuruudo uuย  dalkiisa ku xirayย  in Dowladda Raashiya lagu casuumo Shirkaasi, isagoo xusay inay Raashiya wajahdoย  Maxkamad Caalami ah (An International Court), waa sida uu Hadalka u dhigay.

Wasiir Kuleba waxa uu laalay Baaqii uu Madaxweynaha Raashiya, Vladimir Putin ee Wada-xaajoodyo lagu dhameeyo Colaadda Ukraine, isagoo xusay in Dagaalka Raashiya ku hayso dalkiisa ay caddayn u tahay inaysan Moscow doonayn Wada-hadal.

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu dalkiisa samayn doono wax kasta si ay ugu guuleystaanย  Dagaalka socda sanadka soo socda ee 2023-ka, waa sida uu Hadalka u yiri.

โ€œDagaal kasta waxa uu ku dhamaadaa Dariiq Diplomasiyadeed โ€œA diplomatic wayโ€, iyo inuu Dagaal kasta ku dhamaado Natiijada Goobaha Dagaalka ama Miiska Wada-xaajoodkaโ€ ayuu yiri Wasiirka

Share This:

Previous post
Next post

Maxamed Ajiib (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.