Ukraine oo fashilisay weerar cirka ah oo Ruushku ku qaaday Kyiv…
Maayarka caasimadda Vitali Klitschko ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay badhtamaha degmada Shevchenkivskyi eek u taalla badhtamaha caasimadda Kyiv, isagoo intaas ku daray inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in Ruushku uu soo qaaday weerarka kale oo uu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxanaynta ku tilmaameen Moscow inay keliya kalsooni dareemaan marka ay weerarayaan magalooyinka nabadda ah.
Weeraradan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ah, weeraro xooggan oo Ruushku tan iyo bishii October ku bartilmaameedsanayey xarumaha laydhka, xarumaha biyaha iyo goobaha kale eel aga bixiyo adeegyada dadweynaha, isaga oo doonaya inuu ku niyad-jebiyo dadka reer Ukraine, gaar ahaan xilliga jiilaalka.
Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AFP, AP iyo Reuters