TUULO HOOSAAD KA TIRSAN DAGMADDA HARAWO OO LAGA DHAGAX-DHIGAY CEELBIYOOD.
Maareeyaaha guud ee mashruuca la qabsiga iyo isbaddelka cimilada oo ay wehelinayaan agaasinnada Xafiiska Ilaalinta Deegaanka & Maamulka dhulka ayaa ka dhagaxdhigay ceelbiyood tuulo-hoosaad ka tirsan degmada Harawo.
Mashruuca ayaa waxa uu bulshada ay saamaysay isbaddelka cimiladu ka caawiyaa dhanka biyaha, xoolaha, dhulka ay waraarradu jeexjeexeen iyo barbaarinta dhirta.
Mashruucan ayaa waxa uu ka hawlgalaa 2 degmo oo deegaanka ka mida degmada Harawo & degmada Dhagaxbuur.
Mashruucan ayaa loogu talo’galay muddo 6 sano ah halka ay hadda shaqaysay 2 sano, waxaana la rajaynaya in inta u hadhsan uu bulshada ay saamaysay isbaddelka cimiladu wax badan ka caawin doonto.