Taliyihii Ururka 60aad ee Xoogga dalka koneel Maxamed CabdiWaaxid, ayaa lagu dilay dagaal ka socda deegaanka War-Ciise ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka Xoogga dalka iyo Ururka Alshabaab ayaa ka socda deegaano hoos yimaada Gobolka Shabeelada Dhere, gaar ahaan deegaanka Warciise.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha, waxaana uu sheegay in uu ku dhintay dagaal dhacay galabta.

Maalmihii  lasoo dhaafay ayaa degaanadaasi waxaa ka socday dagaallo xooggan oo ciidanka xoogga ay kula jireen Shabaan.

koneel Maxamed CabdiWaaxid ayaa ahaa sarkaal firfircoon oo dadaal badan wuxuu si weyn uga dhex muuqday ciidanka xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here