TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA SOMALIA S/G ABDI XASAN XIJAAR OO SHIR GUDOOMIYAY SHIR KA DHACAY XERADA CIIDANKA GENERAL KAAHIYE
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa guddoomiyey shir ka dhacay Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye oo ay ka soo qayb galeen Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska,
Hoggaamada iyo Fadhiyada Madaxa Bannaan, shirkaas oo looga hadlayey horumarinta daryeelka iyo caafimaadka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.Shirka ayaa lagu lafo-guray sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo adeegyada cisbitaalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Midiina, iyada oo warbixin laga dhegeystay Agaasimaha Cisbitaalka Dr Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac.