Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜„๐—ฎ๐—ณ๐—ฑ๐—ถ ๐˜€๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐˜€๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ ๐—•๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Taiwan oo ku waa bariisatay diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka Shiinaha oo ku hareereysan
 Taiwan oo ku waa bariisatay diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka Shiinaha oo ku hareereysan
Wararka

Taiwan oo ku waa bariisatay diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka Shiinaha oo ku hareereysan

by Maxamed Ajiib December 26, 2022 9 0 Comment

AA

Taiwan ayaa sheegtay in ay aragtay 70 iyo kow diyaaradood iyo 7 markab oo kuwa dagaalka oo Shiinaha laga leeyahay oo ku hareeraysan jasiiradda.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in kani uu yahay mid ka mid ah duullaannadii ugu weynaa ee uu Shiinaha soo maleego.

Waxa ay sidoo kale Taiwan sheegtay in lixdan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah la arkay, iyada oo intaa ku dartay in afartan iyo saddex diyaaradood oo qaada ciidamada cirka oo Shiinaha laga leeyahay ay ka gudbeen khadka dhexe ee gacanka Taiwan muddo afar iyo labaatan saacadood gudohood ah.

Milateriga Shiinaha ayaa sheegay inay dhoollatusyo ka sameynayaan agagaarka Taiwan si ay uga jawaabaan waxa ay ugu yeereen daandaansiga Mareykanka iyo Taipei.

Dowladda Mareykanka ayaa ansixisay sharciga kharashka difaaca ee oggolaanaya ilaa toban bilyan oo doollar oo gargaar amni ah iyo soo iibsashada hubka ee Taiwan.

Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay, xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay “daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing”.

Xaaladda oo aan markii horeba hagaagsaneyn waxay cirka isku sii shareertay markii ay Nancy Pelosi booqatay Taiwan taas oo uu Shiinaha aad uga carooday.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Shiinaha, booqashadii Nancy Pelosi ayaa noqotay mid khatar ku ah nabadda iyo xasiloonida marin-biyoodka Taiwan.

Hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa mar sii horreysay sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan.

Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada “kala qeybinta”.

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa in uu yahay dhul dalkiisa ka mid ah oo isku dayaya inuu goโ€™o. Booqashada saraakiisha Mareykanka ee Taiwan wuxuu u arkaa in ay ka dhigan tahay mid muujinaysa taageerada madaxbannaanida jasiiradaas.

Hase yeeshee, Taiwan waxay leedahay dowlad-dimuqraadi ah oo u gaar ah, waxayna diiday sheegashada Shiinaha, iyadoo sheegtay in dadka kaliya ay go’aan ka gaari karaan mustaqbalka jasiiradda

Muxuu yahay yoolka Shiinaha?

Khubarada ayaa rumaysan in xukuumadda Beijing ay dhinacyo badan ka beegsan karto Taiwan, gaar ahaan nidaamka dhaqaalaha iyo kaabayaasheeda.

Sidoo kale maraakiibta Shiinaha ayaa go’doomin dhinaca badda ah ku sameyn kara Taiwan, taasoo dhalin karta in jasiiradda ay wajahdo cunno iyo shidaal la’aan.

Waxaa se laga siman yahay aragtida ah in weerar toos ah oo uu Shiinaha ku qaado Taiwan ay ka dhalan karto musiibbo ballaaran, maadaama labada dhinacba ay si weyn u hubaysan yihiin.

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Shiinaha iyo Taiwan?

Taiwan waxay 180 kiilo mitir u jirtaa Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha. Labada dhinac oo af iyo awoowe-wadaag ah waxaa ka dhaxeysa cadowtooyo salka ku haysa nidaamka siyaasadeed.

Dhinac ka mid ah marin-biyoodka kala qeybiya waa dowladda Beijingย  oo hoggaanka u haysa nidaam shuuci ah oo dadka uu xukumo ay gaarayaan 1.3 bilyan oo qof, kuwaas oo hal xisbi ka amar qaata.

Dhan kale waxaa deggan Taipei oo maamusha jamhuuriyad dimuqraaddi ah oo dadkeedu ay gaarayaan 23 milyan oo qof.

Xiisada ka taagan Taiwan ayaa cirka isku sii shareereysa kaddib markii ay booqatay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi โ€“ tallaabadan waxay sii xumeysay xiriirka Washington iyo Beijing.

Xuddunta kala qaybsanaanta ayaa ah in dowladda Shiinuhu ay Taiwan u aragto gobol ka goโ€™ay oo ugu dambayntii ka mid noqon doona Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaaha

Laakiin, dad badan oo reer Taiwan ah ayaa u arka jasiiradda Taiwan inay iskeed isu maamusho oo ay noqoto qaran gaar ah – madaxbannaanida haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo iyo haddii kaleba.

Share This:

Previous post
Next post

Maxamed Ajiib (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.