GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
TABABAR KU SAABSAN ILAALINTA KEYMAHA OO KA FURMAY MAGAALADA JIGJIGA
Tababarka iyo wadatashiga hirgalinta bayaanka horumarinta ilaalinta keynta iyo ka faa’iidaysiga waxsoosaarka kaymaha ayaa ka furmay magaalada Jigjiga.
Tababarkan oo ay ka soo qeybgaleen guddoomiyeyaasha 11-ka gobol iyo 18 degmo oo ka mid ah 95 degmo ee DDS iyo masuuliyiin heer deegaan ah ayaa waxaa furay Madaxweyne ku-xigeenka Deegaanka Mudane Ibraahim Cusmaan waxaa uuna kula dardaarmay ka soo qeybgalayaasha in la dhaqangaliyo go’aannada ka soo baxa tababarka lagana hortago xaalufinta dhulka.
Injineer Muxyadiin Cabdi, Wasiirka Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka dhulka Miyiga ayaa sheegay in deegaankeennu uu hodan ku yahay kheyraadka dabiiciga ah iyo kaymaha loona baahan yahay in laga wada qeybqaato ka faa’iidaysiga kaymaha.