Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. South Sudan: Wariyeyaal loo xidhay muuqaal laga baahiyay Madaxweyne Kiir…
 South Sudan: Wariyeyaal loo xidhay muuqaal laga baahiyay Madaxweyne Kiir…
Wararka

South Sudan: Wariyeyaal loo xidhay muuqaal laga baahiyay Madaxweyne Kiir…

by Raad Raac January 10, 2023 9 0 Comment

AA

Kooxaha u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa dowladda Koonfurta Sudan ugu baaqay in ay sii daayaan lix wariye oo la xidhay ka dib markii la baahiyay muuqaal la sheegay in uu muujinayay madaxweyne Salva Kiir oo isku kaajaya.

Shaqaalahan oo ka tirsan warbaahinta dowladda Koonfurta Suudaan ayaa Salaasadii waxaa xabsiga u taxaabay xubno ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, sida uu sheegay Guddiga Difaaca Suxufiyiinta, oo xiganaya warbixinnada warbaahinta iyo ilo kale oo arrintan la socda.

Waxaa ku socda baadhitaan ku saabsan muuqaal bishii December lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo u muuqday in uu muujinayo Kiir oo is-qooyay xilli uu ku jiray howl rasmi ah, sida ay wararku sheegayaan ururka CPJ oo fadhigeedu yahay New York ku tiri bayaan ay gelinkii danbe ee Jimcihii.

Wakiilka CPJ ee dalalka saxaraha ka hooseeya ee Afrika Muthoki Mumo ayaa sheegay in xadhiggan uu qeyb ka yahay habka ay xubnaha hay’adda nabad-sugiddu ugu “kacaan xadhig aan sabab laheyn markasta oo ay saraakiishu u arkaan in warka baahay aanu wanaagsanayn” ayuu yidhi.

“Waa in maamulku si aan shuruud laheyn ku sii daayaan lixda wariye ee warbaahinta SSBC ayna xaqiijiyaan in ay shaqayn karaan iyaga oo aan wajaheynin caga-jugleyn iyo hanjabaad xadhig ah” ayuu yidhi.

Ururka wariyeyaasha qaran ee Koonfurta Sudan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda in ay “si degdeg ah ku soo gabagabeyso” baadhista ay ku waddo lixda wariye oo uu ururku sheegay in lagu tuhmayo in ay “wax ka ogaayeen in qeybo ka mid ah muuqaalka la baahiyo”.

“Haddii uu jiro kiis anshax-xumo xirfadeed ah ama dembi markaa mas’uuliyiintu waa in ay dedejiyaan hab maamul ama sharci si arrintan ugu dhacdo hannaan caddaalad ah, daah-furan oo waafaqsan sharcig,” ayuu ururku ku yidhi bayaankiisa.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.