Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya.
 Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya.
Wararka

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo xoojinaya iskaashiga ka dhaxeeya.

by Fitaah Diinle January 14, 2023 13 0 Comment

AA

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa kulamo natiijo wanaagsan ka soo baxeen la yeeshay madax sar sare oo ka tirsan Midowga Yurub.

Masuuliyiinta ay Wasiir Abshir Cumar Huruuse iyo wafdigii La socday la kulmeen waxaa ka mid ahaa Wakiilka sare ee arrimaha dibedda, siyaasadda iyo amniga u qaabilsan Midowga Yurub mudane Josep Borrell iyo 27 danjire ee wadamada Yurub u jooga xarunta Brussels, waxayna kala hadleen qorshayaasha hor-tebinta u leh dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siday muhiimka u tahay garab istaagga Midowga Yurub.

Wasiirka oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka kala socday xafiisyada Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa madaxda Midowga Yurub kala hadlay taageerada xagga laamaha ammaanka , dib u heshiisiinta , kor u qaadidda horumarinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga.

Kulamada dhex-maray wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa lagu soo qaaday sidii kuwa guulaysta ay u noqon lahaayeen mashaariicda ay Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyagoo la waafajinayo qorshaha horumarinta qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasiir Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ku weheliyay shirarkan muhiimka ah waxaa ka mid ahaa Aways Xaaji oo ah madaxa la-taliyayaasha Madaxweynaha, Xuseen Macalin la-taliyaha amniga qaranka, Axmed-Nuur Maxamed oo ah la-taliye sare xafiiska Raisul Wasaaraha, Jibriil Aw Maxamed la-taliyaha siyaasadda dibadda ee wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Danjire Yoonis Xaashi oo ah safiirkeenna Brussels.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 58

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.