WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022
Somaliland Oo Shaacisay Inay Xidhay Xafiisyadii Ay Ku Lahayd Uganda Iyo Shiinaha…
Somaliland Oo Shaacisay Inay Xidhay Xafiisyadii Ay Ku Lahayd Uganda Iyo Shiinaha
Somaliland ayaa maanta si rasmiya u xidhay Xafiisyadii ay ku lahayd waddamada Uganda iyo Shiinaha, iyadoo shaqadaba ka fasaxday saddex mas’uul.
Saddexda mas’uul ee shaqooda laga maarmay ayaa kala ah.
1 .Cawil Ibraahim Cali Wakiilkii hore ee Shiinaha u fadhiyay Somaliland.
2. Xamse Ibraahim Cabdilaahi Wakiilkii Somaliland ee Uganda.
3 Mustafe Cawil Jaamac ku-xigeenkii Wakiilka Somaliland ee Uganda.
Somaliland ayaa go’aankan u qaadatay si loo tashiilo dhaqaalaha sida ay Gallaydh Media u xaqiijiyeen Illo-dublumaasiyadeed.
Fiirro gaar ah: Wakiilka Shiinaha ayaa goordhawayd shaaciyay in uu iscasilay balse go’aanka wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ka horreeyay.