Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Shirka Madaxda Afrika & Mareykanka oo furmaya & Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya…
 Shirka Madaxda Afrika & Mareykanka oo furmaya & Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya…
Wararka

Shirka Madaxda Afrika & Mareykanka oo furmaya & Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya…

by Raad Raac December 14, 2022 9 0 Comment

AA

Shirkan ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa 

Waxaa lagu wadaa in Maanta uu dalka Mareykanka ka furmo Shirka Madaxda Wadamada Afrika iyo Mareykanka, waxaana Soomaaliya ku matalaya Madaxwrynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka oo muddo Saddex Maalin ah socon doona ayaa dib u eegista xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah, iyada oo loo marayo “in wadahadal laga yeesho, caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.

Shirkan ayaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa, “sidii loo ballaadrin lahaa iskaashiga wakhtiga dheer soo socday ee u dhexeeya Maraykanka iyo Afrika, iyo in la horumariyo danaha ay labada dhinac wadaagaan, iyo kor u qaadida codadka Afrika si ay si wada jira uga hadli karaan caqabadaha horyaalla xilligan” ayuuu yiri sarkaal u hadlay dawladda Maraykanka oo magaciisa qariyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu shirka khudbad ka jeediyo, isaga oo kaga hadli doona arrimo ku saabsan dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab, Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee kajira dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu kulamo doceedyo kala duwan la qaato qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Afrika iyo Mareykanka, isaga oo kala hadki doona arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 36

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.