SHIRKA BILLAHA AH EE XAFIISKA HORUMARINTATA XOOLO-DHAQATADA DDS AYAA MAANTA KA FURMAY MAGAALADA JIGJIGA.
Shirkii billaha ee Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS iyo hay’adaha bahwadaagta la ah ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga.
Kulankan oo ay shir-guddoominayeen wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhatada DDS ayaa ahaa mid ay kaga wada xaajoonayeen sidii loo horumarin lahaa wax-soo-saarka xoolaha, ka faa’iidaysiga bulshada ee barnaamijka dhaqo oo dheefso iyo sidii wadajir loogu diyaargaroobi lahaa abaaraha soo noqnoqda ee saameeya bulshada xoolo-dhaqatada.