Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. SHIR KU SAABSNA ARIMAHA TAMARTA OO KORONTADA OO AY KA QEYB GASHAY DOWLADDA SOMALIA
 SHIR KU SAABSNA ARIMAHA TAMARTA OO KORONTADA OO AY KA QEYB GASHAY DOWLADDA SOMALIA
Wararka

SHIR KU SAABSNA ARIMAHA TAMARTA OO KORONTADA OO AY KA QEYB GASHAY DOWLADDA SOMALIA

by Fitaah Diinle January 15, 2023 6 0 Comment

AA

Wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha uuna hoggaaminayey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir heerkiisu sarreeyo uga qeyb galay magaalada Abu Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyay dowladaha iyo Hay’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay heerka ay mareyso Soomaaliya ee arrimaha Tamarta (korontada).

Shirkan oo eey soo qabanqaabisay Hey’adda Caalamiga ah ee International Renewable Energy Agency (IRENA)  ayaa ahaa kulankii saddex iyo tobnaad ee Golaha Hey’adda, kaasoo looga hadlayey Arrimaha Tamarta iscusbooneeysiisa.

Shirweeynaha ayaa aad loogu falanqeeyaa muhiimadda Tamarta iscusbooneeysiisa, sida ugu habboon oo looga faaiideeysan karo iyo weliba sida loola jaanqaadi karo geediga   cusub ee dunidu uga guureeyso isticmaalka Matoorada iyo Tamarta ku dhisan noocyada Shidaalka.

Golaha IRENA oo aad uga doodaya Hanaanka cusub ee dunidu ugu guureeyso Tamarta laga dhaliyo Qoraxda, Dabeeysha iyo Tamarta munaasabka la ah Bii’ada (Environmental friendly Energy) ayaa go aamo waaweeyn oo dhaxalgal ah kasoo saari doona Shirweeynahaan oo socon doona  illaa iyo 18 ka January 2023.

Dhanka kale Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa kulammo doceedyo dhoowr ah la leh madax ka kala socota Dowlado iyo weliba Hey’ado ka shaqeeya arrimaha Tamarta iyo qaababka loo hormariyo ee casriga ah.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 36

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.