Waxa maanta bilaaban doonta tartanka Euro 2020 kaas oo ay seegi doonaan xiddigo badan oo magac weyn ku leh qaarada yurub iyo waliba adduunka.

Xiddigahaas ayaa tartanka ku seegi doona dhaawacyo iyo waliba in aanu xulalkoodu u soo bixin oo ay seegeen tartanka sanadkan ama in ay qaab ciyaareed xun soo bandhigeen xilli ciyaareedkii hore sidaas darteed laga reebay xulalkooda.

waxa jira xiddigo magac weyn leh kuwaas oo seegi doona tartanka Euro 2020 waxana ka mid ah xiddigaha Sergio Ramos, Erling Haaland, Virgil van Dijk iyo waliba xiddigo kale oo waaweyn.

Xiddigaha seegaya tartanka ee shaxda laga sameeyay ayaa Tartanka ku seegi doona sabab kala duwan kuwaas oo ah dhaawacyo u diiday in ay ka qayb qaataan tartanka iyo waliba sabab la xidhiidha in xulalkooda laga reebay tartanka.

Kabtanka xulka Sweden ee Ibrahimovic ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay xulka qarankiisa bilo ka hor laakiin waxa soo gaadhay dhaawac jilibka ah taas oo keentay in laga saaro Liiska.

Haaland ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha seegi doona tartanka kadib markii xulka qarankiisa laga reebay tartanka markii ay ka qayb qaateen kulamada kala baxa ee loogu soo baxayay tartanka.

Daafacyada Ramos iyo Van Dijk ayaa dhankooda si weyn loo filayay in ay xulalkooda hogaamiyaan tartanka laakiin waxa ay ku seegi doonaan dhaawac soo gaadhay.

The best XI stars to miss out on Euro 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here