Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Sargaal Diiday Fududeyn Musuq Maasuq Oo Xukuumada Muuse Xidhay….
 Sargaal Diiday Fududeyn Musuq Maasuq Oo Xukuumada Muuse Xidhay….
Wararka

Sargaal Diiday Fududeyn Musuq Maasuq Oo Xukuumada Muuse Xidhay….

by Raad Raac January 17, 2023 5 0 Comment

AA

Bashiir Cumar Geelle  oo ah xoghayaha Biyaha Xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay qaabka xadhig iyo darajo ka xayuubin la iskugu daray sargaal ka tirsan ciidanka Sirdoonka Somaliland, sargaalkaasi oo la yidhaa Maxmaed Cali Yuusuf.

Maxamed waa Gaashaanle Sare, waxaanu sheegay Xoghaye Bashiir in uu sargaalkani diiday in uu fududeeyo hanti dawladu leedahay oo la doonayay in la musuq maasuqo.

Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf Cartan oo ahaa hogaanka arimaha dibeda ee ciidanka sirdoonka muddo 3 bilood ku dhow ayuu u xidhan yahay taliska Muuse Biixi.

Saddex  toddobaad ka hor ayaan anigu ka qaybgalay dhegeysiga dacwadiisa oo la keenay Maxkamad furan oo ciidanku leeyahay oo ku taal wasaarada gashaandhiga dhexdeeda.

Eediisu waxay ahayd saddex qodob oo kala ah.

  1. Inuu sameeyey amar diido ciidan amarkaas oo uu ka diidey taliyaha ciidanka sirdoonka.
  2. Inuu telefoonka ka qaban waayey taliyaha sirdoonka.
  3. Iyo inuu hanti dawladu leedahay magiciisa ku qortay.

3 markhaati ayaa goobta la keenay oo ka tirsan ciidanka sirdoonka.

Laba sarkaal iyo gabadh waaxda maaliyada sirdoonka ka shaqaysa saddexduba waxay keliya oo caddeeyeen telefoonka inaanu qaban laba maalmood taas asbaabta uu u qaban waayey ay tahay in isaga la weydiiyo lakin saddexduba waxay sheegeen in aanay ogayn amar la faray oo uu diidey.

Sababta rasmiga ah lagu haystaa waa in diidey in uu fududeeyo hanti qaran iyo gaadiid magaca Somaliland lagu soo deeqay oo si qalad ah la rabey in loo qaybsado.

Gaadiidkaas iyo hanti farabadan oo sucuudigu ugu deeqay Somaliland oo uu Maxamed Cali keenay lakin markii danbe laga faramaroojiyey ayaa ah sababta eelku ka dhacay gaadiidkaas si faahfaahsan baa looga warami doonaa.

Maxamed Calina wuu soo bixi doonaa.

Kornayl Maxamed Cali maanta ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xadhig ah derejadii oo laga qaaday iyo shaqadii ciidanka oo laga fadhiisiyey.

W/Q Bashiir Cumar Geelle xoghayaha Biyaha Xisbiga WADDANI

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 17

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 36

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.