Rasomit Rasomit

Breaking News

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐——๐—ต๐—ถ๐˜€๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ธ๐—ฒ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—š๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎd

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL WASAARAHA DALKA ITOOBIYA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo loo aqoonsaday shaqsiga sanadka 2022 iyo madax-sharafeedka naadiga safiirada ee dalka Shiinaha.
 Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo loo aqoonsaday shaqsiga sanadka 2022 iyo madax-sharafeedka naadiga safiirada ee dalka Shiinaha.
Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha oo loo aqoonsaday shaqsiga sanadka 2022 iyo madax-sharafeedka naadiga safiirada ee dalka Shiinaha.

by Fitaah Diinle December 29, 2022 21 0 Comment

AA

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha ayaa saxaafadda dalka shiinaha (the Home and Abroad News Press ) u aqoonsatay shaqsiga sanadka 2022, sidoo kalena u dooratay in uu noqdo madax-sharafeedka naadiga safiirada ee ururkaas.

Safiirka ayaa lagu sheegay in uu ku mutaystay abaal-marintan shaqsiga sanadka oo sanadkiiba mar bixiso saxaafadda Shiinaha kaalinkii diblumaasiyadeed uu qaatay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Safiirka waxa uu si aan gabasho lahayn u muujiyay mawqifkiisa ku wajahan Taiwan, waxaanu si xooggan u taageeray midnimada dalka shiinaha, iyo ilaalinta midnimada Dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo uu si firfircoon uga caawiyay maalgashadayaasha Shiinaha inay qiimeeyaan fursadaha maalgashi ee dalka Soomaaliya isaga oo kor u qaadaya iskaashiga caalamiga ah ee “Belt and Road Initiatives.” June 15, 2021.

Dhanka kale Danjire Cawaale ayaa booqday Jaamacadda Peking si uu u dhiirrigeliyo is-weydaarsiga iyo iskaashiga jaamacadaha dhanka sayniska, taariikhda, falsafada, iyo dhinacyo kale.

Waxa kale oo Danjiraha loo doortay intii uu safiirka ka ahaa dalka Shiinaha Professor ka tirsan Jaamacadda Macdanta iyo Tignoolajiyada ee Shiinaha (Beijing).

Ugu dambeyntii safiir Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa dadaalkiisa dardar cusub ku abuuray horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฒ ๐—ผ๐—ผ ๐—น๐—ฎ ๐—ธ๐˜‚๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜† ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ

by Fitaah Diinle February 1, 2023 28

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 12

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright ยฉ 2022 Radio Somit. All Right Reserved.