Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. RONALDO IYO SAAXIIBTIIS SIDEE OOGU NOOLAAN KARAAN SUCUDIGA MAADAAMA GUUR KOODA UU YAHAY SAAXIIBTINIMO
 RONALDO IYO SAAXIIBTIIS SIDEE OOGU NOOLAAN KARAAN SUCUDIGA MAADAAMA GUUR KOODA UU YAHAY SAAXIIBTINIMO
Wararka

RONALDO IYO SAAXIIBTIIS SIDEE OOGU NOOLAAN KARAAN SUCUDIGA MAADAAMA GUUR KOODA UU YAHAY SAAXIIBTINIMO

by Fitaah Diinle January 6, 2023 27 0 Comment

AA

Ronaldo ayaa  ku biiray Alnasr , waxaana Sacuudiga kula nooloonaya  saaxibtiisa Georgina Rodríguez iyo caruurtiisa , waxa ayna dad badan haatan is weydiinayaan  sida Ronaldo iyo saaxibtiisa  ugu noolaan karaan marka la eego xeerarka iyo sharuucda wadankaas ee aan ogaleyn xariir ka baxsan guurka kuna adag  arrimaha labbiska iyo dhaqanka .

Ronaldo ayaa saaxibtiisa Georgina Rodríguez waxa  ay u haysaa laba caruur ah waxa uuna 2016-kii u balan qaaday in uu guursan doono  dhawaan.

Mucaaradka reer Sacuudi ee baxsadka ugu nool Ingiriiska ee Ghanem al-Dosar oo weeraraya maamulka Sacuudiga ayaa yiri ” Ronaldo weli ma guursan Georina sidee wadanka Xarameynka ugu noolanayaa,Shareecada Islaamku miyay ogolanaysaa xariir ka baxsan guurka?

 Waxaa u jawaabay shaqsi la yiraah Mohamed Ali oo yiri: fatwadaas waxaa ka jawaabaya Sheekha maaweelada Turki Al Sheikh kaasi oo Sacuuudi u ogalaaday in ay yimaadaan qaniisiinta”

Mid kale ayaa soo qoray ” haddii aad caan tahay wax dhib ah kuma jiro .

Aqriste kale oo ah dadka arimaha bulshada u ololeeya laguna magacaabo Qusey Subhi Al Qusy ayaa soo qoray” Georgina waxa loo aqoonsanayaa xaaska Ronaldo , xariirkooda waa cadeeyeen, sharuudaha guurkana waxaa ka mid ah cadeynta , waa ay la nooshahay waliba caruurtiisa daryeesha , warbaahinta 24 saac ayay isha ku haysaa”.

Isagoo tilmaamay in “xariirkoodu aanu waxba kaga duwanayn guurka, sharci ahaan, waxaa loo arkaa in ay isqabaan, ee ma aha saaxib hal habeen lala jiifto oo wadada laga soo qabsaday”

Ronaldo iyo saaxibtiisa ayaa la dajiyay qasri lacagtiisa gaareyso 12,2 milyan oo gini kaasi oo uu  wareegsan yahay  darbi weyn oo sharuucda Sacuudiga ka banaan noqonaya , waxaana xusid mudan in Georgina ay ku soo muuqatay cabaayaad bandhigii Ronaldo ee kooxdiisa Alnasr

Share This:

Previous post
Next post

Fitaah Diinle (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 22

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.