GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
RE’IISUL WASAARE XAMSE ABDI BARRE OO BOOQDAY WASAARADDA WARFAAFINTA.
Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo Kormeeray Wasaaradda Warfaafinta ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed {SONNA} oo dib u dhis lagu sameeyay
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in howl wadeennada Warbaahinta Qaranka ay yihiin Naftood Hurayaal u taagan isku xirka dowladda iyo bulshadda, isla markaana wargalin iyo wacyi galin ku aadan ilalinta danaha qaranka siiya shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare Xamse” Aadbaan ugu bogaadinayaa Warbaahinta Qaranka kaalinteeda dib u xoreynta dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.