RE’IISUL WASAARE KU XIGEENKA DALKA ETHIOPIA OO QAABILAY WAFDI KA WOCDA LIIGGA ARRIMAHA ISLAAMKA EE CAALAMIGA
Raysalwasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Mudane Damaqe Mokonin ayaa kulan la yeeshay wafdiga ka socda liigga arrimaha Islaamka ee caalamiga.
Wafdiga uu horkacayo lataliyaha xoghayaha guud ee liigga arrimaha Islaamka Dr Cabdicasiis Sarhan ayaa kulanka ay la yeesheen mudane Damaqe waxa ay kaga tashadeen shaqooyinka uu liigu mustaqbalka Itoobiya ka fulin doono ee dhinacyada nabadgelyada, horumarka, caafimaadka iyo waxbarashada.
Mudane Damaqe ayaa ballanqaaday in ay dowladda dalku garabtaagan tahay dadaalada horumarineed uu liigu ka wado Itoobiya.