GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
RE’IISUL WASAARE ETHIOPIA OO KULAN KAGA QEYB GAKAY MAGAALADDA ABU DUBIA
Raysalwasaare Dr. Abiyi Axmad iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya kulanka waaritaanka (sustainability) ee 15aad ee ka socda magaalada Abu Dubai ee waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Kulankani ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono horumarinta dhaqaalaha waara iyo isbaddelka cimilada adduunka. Dhaqdhaqaaqa kulankani ayaa la sheegay in uu hadafkiisu yahay in laga hortago isbaddelka cimilada iyada oo dhidibbada loo aasayo dhaqaalaha waara, sida oo kalena la dadajinayo horumarka dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo bay’ada.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda dowladaha caalamka, shaqsiyaadka caanka ah iyo masuuliyiinta shirkadaha tiknoolojiyadda, waxaana guud ahaan lagu qiyaasay in ay ka qeybgalayaan in ka badan 30 kun oo qof.
Waxaa xusid mudan in waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta loo doortay in ay sannadkani martigaliso shir-weynaha isbaddelka cimilada ee COP-28.