RE’IISUL WASAARAHA SOMALIA OO LA KULMAY HOLWADEENADA SAFAARADDA SOMALIA EE QAAHIRA
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane HHamza Abdi Barre ayaa la kulmay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira.
Mudane Xamse ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan qaabka u shaqeyso safaaradda Danjiraha Ilyaas Sheekh Cumar iyo hawlwadeennada oo ka hadlay baahiyada ay qabaan iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay in ay si hufan shaqadooda u gutaan, isla markaana si daahfuran ay ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.