GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
REAL SOCIEDAD OO LOO-DHIGAY CASHAR LAMA ILOOBAAN AH
Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirsay wareega afar dhamaadka Copa del Rey ka dib markii ay guul 1-0 ah ka gaareen 10 xiddig oo Real Sociedad ah kuwaasoo casaan qaatay qeybtii hore ee ciyaarta.
Gool uu qeybtii labaad dhaliyay Ousmane Dembele ayay Barcelona kaga talaabsatay kooxda Real Sociedad ciyaar adkeyd oo labada kooxood ku dhexmartay garoonka Camp Nou.
Barcelona ayaa si dardar leh ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Ousmane Dembele abuuray fursadii ugu horeysay halka Barca laga diiday gool offisde ahaa daqiiqadii 11aad ee ciyaarta.
20kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta Ousmane Dembele ayaa argagax ku riday kooxda Real Sociedad isagoo abuurayay fursado isku xigxiga islamarkaana soo qaadayay weeraro joogta ah.
Real Sociedad ayaase heshay fursad gool loo fishay daqiiqadii 30aad markii Take Kubo uu birta ku garaacay kubad gantaal aheyd.