Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Raysul Wasaaraha Britain Oo Loo Haysto Arrin Uu Sameeyey…
 Raysul Wasaaraha Britain Oo Loo Haysto Arrin Uu Sameeyey…
Wararka

Raysul Wasaaraha Britain Oo Loo Haysto Arrin Uu Sameeyey…

by Raad Raac January 10, 2023 5 0 Comment

AA

Raysal Wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa marar badan diiday inuu sheego inuu isticmaalay dhakhtar caafimaadka oo gaar ah, isaga oo ku adkeystay arrintaasi ‘iney cidna quseyn’.

Sunak barnaamijka Laura Kuenssberg ee BBC maanta oo Axad ah ka baxay wuxuu u sheegay daryeel caafimaad marka uu u baahdo ‘isagu inuu dooranayo halka uu adeeggaasi u doonananayo’.

Madaxa kalkaaliyeyaasha caafimaadka Pat Cullen waxay sheegtay Raysal wasaaraha “maadaamaa uu shaqaala dowladeed uu yahay inuu xaq u leeyahay adeeg caafimaad inuu helo.”

Isla su’aashaasi Markii la weydiiyay, sii hayaha xoghayaha caafimaadka Wes Streeting wuxuu sheegay inuusan Raysal wasaaruhu isticmaalin daryeel caafimaad oo gaar ah.

Wareysiga, ay Laura Kuenssberg la yeelatay Raysal wasaaraha waxay soo jeedisay inay jirto doonitaan aad u weyn oo dhanka shacabka ka imanayo oo ku saabsan go’aammada Mr Sunak iyo in Raysul wasaarihii hore ee Konserfatifka Margaret Thatcher ay u furan tahay doorkeeda ah inay isticmaasho dhakhtar gaar ah.

Sunak wuxuu ku adkeystay qofka daryeel caafimaad halka uu u radsanayo iney tahay ‘arrin isaga u gaar ah’, wuxuuna intaa ku daray “inuu isagu ku soo barbaaray qoys adeegga caafimaadka ka hela Adeegga Caafimaadka Qaranka ee loo yaqaanno NHS”, iyo weliba aabbe dhakhtar ah iyo hooyo dawooyinka ku takhasustay.

Wuxuuna Raysal wasaaraha marar badan uu ka dhaga fureystay su’aasha marwalba la weydiiyo ee ku aaddan halka uu adeeg caafimaad uu ka helo inuu ka jawaabo, wuxuuna ku gaabsaday oo keli ah ‘in guud ahaan ay bukaannadu iyagu doortaan daryeelka caafimaadka ee gaarka ah ee ay adeeg caafimaad u doonanayaan.

Wargeys bishii November ee sanadki hore soo baxay ayaa qoray warbixin ku sabsan Mr Sunak inuu iska qoray dhakhtar gaar loo leeyahay oo aragtida dhakhtarka nusa-saaciba la bixiyo £250 giniiga starliinka.

Tirakoob ay dhawaan sameysay hay’adda NHS waxay ku sheegtay 58% bukaannada hay’adda ineysan ku iman ballamaha caafimaad ee loo qabto.

Hay’adda NHS dhankeeda waxay walaac ka muujisay jawaab la’aanta Raysal wasaaraha saameynta ay adeegga NHS mustaqbalka ku yeelaneyso.

Rish Sunak mar uu soo bandhigayey barnaamijyadiisa hortabinta leh ee ay dowladdiisu qabaneyso 2023-ka waxyaabihi uu ku xusay waxaa ka mid ahaa inuu sare u qaado adeeg bixinta hay’adda NHS isla-markaana uu yareeyo safafka dhaadheer oo looga jiro helitaanka adeegga caafimaad ee NHS.

Mr Sunak oo dabayaaqada bishii October loo dhaariyey Raysal wasaaranimada dalka UK ayaa noqday qofkii ugu horreeyey oo aan caddaan ahayn, ee raysalwasaare ka noqda dalkaas iyo kii ugu yaraa qarnigan, isaga oo jira da’aadda 42 sano.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 81

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.