Rashford Waxa Uu Noqonayaa Weeraryahanka Ugu Fiican Dunida..
Erik ten Hag ayaa Marcus Rashford la barbardhigay Kylian Mbappe waxa uuna dadaal ugu jiraaย inuu ku qanciyo inuu sii joogo Manchester United bedelkii uu xiddiga France ka bedeli lahaa Paris Saint-Germain.
Mbappe ayaa ciyaari doona semi-finalka koobka adduunka Arbacada halka Rashford uu ku sii jeedo gurigiisa ka dib guuldaradii England ka soo gaartay France habeenkii sabtida.
Laakiin Ten Hag ayaa ciyaartoygiisa siiyay kalsooni weyn, isagoo sheegay in Rashford uu noqon karo mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican adduunka.
โ Karti badan ayuu Rashford leeyahay waana adag tahay in la joojiyoโ ayuu Ten Hag yiri.
Mbappe ayaa la rumeysan yahay inuu raadinayo wado uu kaga baxo PSG inkastoo uu ogolaaday heshiis seddex sanno ah xagaagii, madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa xaqiijiyay todobaadkii hore inay wadahadalo la yeesheen wakiilada Rashford.
Waa inuu goโaan qaataa,โ ayuu yiri Ten Hag oo ka jawaabayay xiisaha PSG. โWaxaan kaliya tusi karnaa inay tani (United)tahay kooxda ugu fiican ee uu la joogoโ.