Rasomit Rasomit

Breaking News

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA MAXKAMADDA GODEY

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA JOOGTADA AH EE WASAARADDA CAAFIMAADKA

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO KULAN MUHIIM AH YEESHAY

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗳𝗱𝗶 𝘀𝗮𝗿𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗰𝗱𝗮 𝗕𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮

GUDIGA ARIMAHA GUDAHA OO KULAN KU YEESHAY VILLA HARGEYSA

  1. Home
  2. Wararka
  3. Ra’iisal Wasaaraha UK Oo La Ganaaxay Iyo Sababta…
 Ra’iisal Wasaaraha UK Oo La Ganaaxay Iyo Sababta…
Wararka

Ra’iisal Wasaaraha UK Oo La Ganaaxay Iyo Sababta…

by Raad Raac January 21, 2023 43 0 Comment

AA

Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak ayaa la ganaaxay kadib markii la sheegay in uusan xiran suunka badqabka xilli uu saarnaa baabuur.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha  ayaa sheegay in Mr Sunak “uu gebi ahaanba aqbalay khaladkan, raalli gelin ayuu ka bixiyay arrintaas”

Xafiiska wuxuu intaa raaciyay in uu bixin doono ganaaxa.

Dadka rakaabka ah ee la qabto iyagoo aan xiran suunka badqabka ee UK waxaa uu qofka muteysan karaa 100 lacagta giniga ah.

Halka haddii qofka la geeyo maxkamad lagu ganaaxi karo 500 oo lacagta giniga Ingiriiska ah.

Muuqaalka laga duubayay Ra’iisal Wasaaraha xilligga uu baabuurka saarnaa ayaa lasoo dhigay barta Istagram-ka ee Mr Sunak, wuxuu muuqaalka qeyb ka ahaa mid lagu xayeysiinayay mashruuca dowladdiisa ee ku aadan shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha, waa markii labaad oo la ganaaxo Ra’iisul Wasaaraha.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, waxaa ganaax lagu soo rogay isaga iyo Boris Johnson iyo xaaskiisa Carrie jabinta kadib markii ay jebiyeen xeerarka ka hortagga Covid-19 – iyagoo ka qeyb galay xaflad dhalasho aheyd oo loogu talagalay Ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Downing Street bishii Juun 2020.

‘Qaddarin la’aanta xeerarka’

Ganaxaa waxaa lagu soo rogaa qofka xeerarka jebiya, qofkana waxaa laga doonayaa in uu ku bixiyo lacagta ganaax muddo 28 maalmood gudahood ama qofka dacwad ayuu ka gudbin karaa.

Haddii qofka uu dacwad ka gudbiyo ganaaxa, booliska waxay dib u eegis ku sameyn karaan kiiska, waxay arrintani go’aamin kartaa in kiiska laga noqdo ama in arrinta maxkamad loo gudbiyo.

Ku xigeenka hogaamiyaha xisbiga Labour-ka, Angela Rayner ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in Mr Sunak uu dusha saaranayo waxa uu galay.

Xisbiga Liberal Democrats ayaa sheegay, in uu noqday Ra’iisul wasaarihii labaad ee abid ay booliisku ganaaxaan, kadib “qaddarinta la’aanta xeerarka dartood’ si la mid ah arrintii Boris Johnson”.

Ku xigeenka hoggaamiyaha xisbiga Liberal Democrats Daisy Cooper ayaa sheegay in xayiraaddii Covid-19 ee uu jebiyay Johnson iyo tan suunka oo ay ku lug lahaayeen siyaasiyiinta muxaafidka in dadka Ingiriiska ay u qaadanayaan tallaabooyin doqonimo ah.

 “Sida iyagoo u dhaqmayo inay raacayaan dabeecaddan wuxuu ganaaxan muujinaya in siyaasiyiinta xisbiga muxaafidka la marsiiyay waxa ay mudnaayeen”.

Dhinaca kale, xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka lagana soo doorto Koonfurt Blackpool, Scott Benton ayaa difaacay Ra’iisul Wasaaraha , wuxuu sheegay in “qof kasta uu khalad galo”.

Wuxuu intaa ku daray waxay aheyd in booliska ay diiradda saaraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dambiyada halista ah ee bulshada ka dhex jiro baddalkii ay arrintan ku mashquuli lahaayeen.

Rakaabka da’doodu tahay 14 iyo wixii ka weyn ayaa mas’uul ka ah inay hubiyaan inay xirtaan suunka badqabka baabuurta halka darawaliinta ayaa mas’uul ka yihiin rakaabka ka yar 14 sano.

Qofka waxaa uusan xiran karin suunka badqabka haddii uu wato warqad uu usoo qoray dhakhtar sababa caafimaad dartood ama baabuurta booliska, kuwa dab damiska iyo shaqaalaha kale ee ku howlan adeegayada samatabixinta ah.

Share This:

Previous post
Next post

Raad Raac (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

KULAN MUHIIM AH OO KA DHACAY GUDAHA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 16

Waxaa magaalada Godey kulan ku yeeshay guddi ka socda Maxkamadda Guud DDS iyo garsoorayaasha

Caafimaadka

WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA HIRSHABELLE OO GUDOOMIYAY KULANKA

by Fitaah Diinle February 5, 2023 8

Wasiirka Caafimaadka DG Hirshabeelle, Dr. Maxamed C/Raxmaan Khaliif, ayaa gudoomiyay shirka joogtada ee Wasaaradda,

Wararka

GUDIGA BEERAHA IYO REER MIYIGA XOOLAHA OO

by Fitaah Diinle February 5, 2023 21

Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka JFS ayaa maanta

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.