RAG DHAC U GEESANAAYAY DAD SHACAB AH OO LAGU QABTAY DEEGAANKA CEELASHA BIYAHA
Booliska saldhigga deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa gacanta ku soo dhigay labadaan nin oo la sheegay inay yihiin tuugo dhac u geysatay dad shacab ah oo goobo ganacsi ku lahaa deegaankaas.
Ciidanka ayaa ragaan ka soo qabtay deegaanka Carbiska, iyagoo baxsad ah, waxayna hadda ku jiraan gacanta ciidanka amiga, Muqdisho iyo guud ahaan daafaheeda waxaa ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah burcadda iyo Garanwaaga.