QORSHAHA WADATASHIGA DAGMOOYINKA EE GOBALKA BANAADIR EE SANADKA 2023 OO LA DAAH FURAY.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray kulanka Wadatashiga qorsha howleedka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee sanadka 2023.
Wajiga 1-aad ee kulankan ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale waxa uu warbixina ka dhageestay Maamauldada Degmooyinka qeybta Bartamaha, kuwaas oo soo gudbiyay qorsha howlleedkooda ku aadan Horumarinta Degmada iyo Amniga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamul kaste lagula xisaabtami doono horumarinta Degmada uu mas’uulka ka yahay.