Rasomit Rasomit

Breaking News

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.

BULSHADA KU DHAQAN MAGAALADDA BALADWEYNE WAXAAN KU WARGILINEEYNAA IN AY ISKA ILAALIYAAN ISTICMAALKA CABITAANKA ISQASKA LOO YAQAANO

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA JIIDDA-HORE EE DAGAALKA ARGAGIXISADA ALSHABAAB

WASIIRKA MAALIYADDA SOMALILAND OO MAANTA FURAY KULAN HAWLEEDKII 2022

XARUN CAAFIMAAD OO CUSUB OO LAGA FURAY MAGAALADDA QARDHO

  1. Home
  2. Wararka
  3. Qarax qabsaday Markab Xamuul iyo khasaaro ka dhashay
 Qarax qabsaday Markab Xamuul iyo khasaaro ka dhashay
Wararka

Qarax qabsaday Markab Xamuul iyo khasaaro ka dhashay

by Maxamed Ajiib December 27, 2022 6 0 Comment

AA

14 Badmaaxiin Masaari ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Qarax dhawaan qabsaday Markab Xamuul oo marayey meel ka baxsan Xeebta dalka Turkiga.

Hadal Qoraal oo Wasiirada Socdaalka dalka Masar, Soha El-Gendy soo saartay ayey ku sheegtay in 3 ka mid ah Badmaaxiinta dhaawacan ay xaalladooda aad u liidato, iyadoo Kabtankii Markabkaasi, Xusaam Taabit  oo u dhashay Masar la la’ yahay Raqdiisa iyo Ruuxiisaba.

Waxay kaloo sheegtay in Safaarada Masar ku leedahay Caasimadda dalka Turkiye ee Ankara kala shaqaynayaan Maamulayaasha dalkaasi sidii loo heli lahaa Kabtanka Markabka ee la la’ yahay.

Markabkaasi oo lagu magacaabo BEATA, oo uu ka dul babanayey Calanka dalka Panama waxa uu Qaraxaasi ka dhex dhacay maalintii Talaadada ee Toddobaadkii hore.

Markabka oo waday Shixnad Dhuxul ah waxa uu Qaraxu ku qabsaday Badda Madow (Black Sea) oo ka baxsan Xeebta Turkiye.

17 shaqaale ayaa la socday Markabkaasi, iyadoo 15  dhasheen Masar, halka ay 3-da ka soo kala jeedaan dalalka Ukraine, Georgia iyo Albania.

Si kastaba, ma cadda waxa sababay Qarax ka dhex  dhacay Markabkaasi,  iyadoo Hay’adaha ku shaqada leh ku hawlan yihiin Baaritaanka  Qaraxaasi.

Share This:

Previous post
Next post

Maxamed Ajiib (Website)

editor

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

RELATED Stories for you
Wararka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO GUDDOOMIYEY SHIRKA DALALKA

by Fitaah Diinle February 1, 2023 24

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo

Wararka

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗴𝗮

by Fitaah Diinle February 1, 2023 69

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay

Wararka

MADAXWEYNAHA SOMALIA OO MUQDISHO KU SOODHAWEEYAY RE’IISUL

by Fitaah Diinle February 1, 2023 13

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku

Copyright © 2022 Radio Somit. All Right Reserved.