GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO GUDDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA KOONFUR GALBEED.
Puntland Oo Ka Hadashay Xaalada Laascaanood…
Madaxwayne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ka hadlay xaalada Laascaanood ayaa sheegay in aan wax faro gelin ah lagu samayn shir uu sheegay in uu ka dhacayo magaalada Laascaanood oo ay ku kulmayaan waxgaradka SSC.
“Waxaan ka digeynaa inaan wax fara gelin ah lagu samayn nooc ay u tahay toona lana Siyaasadayn kacdoonka bulsho ee ka socda deegaanada SSC kaas oo sababay in dadka deegaanku isugu yimaadaan Shirweynaha Aaya ka tashiga ee dhowaan ka furmaya degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, oo aan rajeynayno in uu kasoo baxo wax dan u ah Masiirka bulshada” Axmed Karaash, madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
Weli Xukuumada Somaliland Ayaan xal uhelin rabshado Laascaanood ka dhacay oo sababay dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale khasaaraha hanti maaliyadeed oo badan.
Waxaana weli Laascaanood ku sugan masuuliyiin ka tirsan xukuumada Muuse Biixi iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland